![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ma u jeesannaa qiblada dawladnimada? MARCH 17, 2009 Radiofreesomalia.com Dawlad waxaan u naqaanaa, sida abwaannadu ku heeseen, iney tahay sidii hashii “maandeeq” oo inta darartay caanaheedii lagu heshiin waayay, dabadeedna inta dusheeeda lagu diriray meel aan muuqan oo aan la garaneyn laga dhaawacay. Si hadaba loo daweeyo hashaas, waxaa la garan waayay cudurka haya. Sidaas darteed, ayaa waxaa munaasab ah in la xusuusto oraahda Somaalidu ku maahmaahdo ee ah: “Hashu maankeyga ayey qadaye ma masaarey liqday”. Maahmaahdaan waxaa la soo xasuustaa marka la arko waxyaabo lagu wareero oo aan xalkooda la garaneyn. Sidaas oo kale waaye xaalka Somaaliya. Sedexda eray ee kala ah dib-u-heshiisiin, xukun qaybsi iyo dawladnimo ayaa Somaaliya la hadal hayay mudoo 18 sano ah. Waxaa kale oo si isdaba joog ah loo dhisaa dawlad KMG, hadana mid kale oo KMG, hadana kumeel-gaarka ku-meelgaarkiisa. Waa arin lala yaabo oo la fahmi la’yahay oo ay ku wareereen aqoonyahaanada iyo siyaasiyiinta. Haseyeeshee, sidaas ma wada aha Somaaliya, waxaa sidaas ka bedelan gobollada qaar. Dib-u-heshiisiintu waxey muddo yar ka guuleysatay Somaliland iyo Puntland, xukun qeybsi ku dhisan beelnimo wuxuu ka hirgalay labadaas meelood, waxaana shacabka labadaas maamul ujeesteen dhanka dhismaha maamul dawladeed. Dib-uheshiisyadaas waxaa lagu qabtay dalka gudihiisa, waxaa ka qeybgalay madaxda beelaha runta ah, waxaa laga adkaaday qabqablayaasha jabhadaha, waxaan talada ka qeybgalay waxgaradka deegaanadaas oo dhan. Shirarkaas waxaa ku yaraa faragelinta shishiye, waxaan sal looga dhigay dhaqanka dadka iyo heerka noloshooda. Dhanka koofurta Somalia, waxaa meel daran mariyay qabqablayaasha jabhadaha oo kala adkaan waayay, lagana adkaan waayay. Waxaa tabar daraaday doorkii madaxda dhaqanka iyo abaabulka waxgaradka. Qabqablayaasha jabhadaha waxaa xoojinayay, gacan saarna la lahaa hay’adaha dawliga ah oo diiday iney la falgalaan ruux aan hubeysneyn oo aan dagaal ooge aheyn. Dib-u-heshiintii Carta ee 2000 waxey bedeshay oo ay dhabarka ka jebisay istraatijiyadii loo dhigay in lagu wiiqo Somaliya. Waxey ka gudubtay qabqable dagaal, waxeyna awood buuxda siisay sacabooleyda Bulshada Rayidka ah. Shirkii Carta ka hor, waxaa miiska saarnaa dhismaha maamul beeleedyo ku saleysan fikirka “building block” oo khatar ku ahaan kara jiritaanka iyo midnimada qaranka Somaaliyeed. Shirkii Carta waxaa lagu soo dhisay dawlad qaran iyo baarlamaan lagu soo xulay 4.5 oo madaxda dhaqanku soo xuleen. Nasiib daro, mucaradada Itoobiya iyo Jabhadihii hubeysnaa, dhacdadii 9/11 iyo mashruuca la dagaalanka argagixisada iyo tabar daridda iyo talo-xumidda madaxada dawladdu waxey sababtay in la fashiliyay xukuumadaas. Waxaa lagu bedelay dawladii hore dawlad cusub oo qabqablayaasha Jabhaduhu soo xuleen, dawladda Itoobiyana gabaad u tahay. Laga soo bilaabo 2000, waxaa dalku yeeshay dawlad qaran iyo sedex madaxweyne oo labo ka mid ah xukumadooda lagu fashiliyay meel dhexe, ugu dambeystiina waxey ku waayeen jagadooda. Madaxweynihii Carta lagu soo doortay Mudane Cabdiqaasin Salaad wuxuu magacaabay sedex Ra’isul wasaare oo labadii hore ay dagaal ku kala tageen. Sedexdaas waxey kala ahaayeen Dr. Cali Khalif, Mudane Xassan Abshir Faarax iyo Mudane Moxamed Cabdi Yusuf. Sidoo kale, madaxweynihii lagu soo doortay dalka Kenya 2004 mudane Cabdullahi Yusuf wuxuu magacaabay sedex Ra’isul wasaare oo ay labadii hore dagaal ay ku kala tageen. Sedexdaas ra’isulwasaare waxey kala ahaayeen Profesor Cali Moxamed Geedi, Mudane Nur Xassan Xussein iyo Mudane Moxamed Moxamud Gacmadheere. Waxaa intaas la jirta, in markii ugu dambeysay baarlamaankii Carta la kala jibiyay, lana kala tuuray si loo dhiso baarlamaan cusub oo ay soo xulaan qabqablayaasha dagalka. Si arinkaas loo suurageliyo, waxan xukuumadoodii ka soo horjeestay Gudoomiyihi baarlamaanka Cabdalla Derow Isaaq iyo Ra’isul wasarahi Mudane Xassan Abshir Farax. Sidaas oo kale, si loo kala tuuro xukuumadda iyo baarlamanka TFG-da waxaa la kala jebiyay Ra’isulwasaare Nuur Xassan Xussein, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha. Laba kooxoodba waxey isku baheysteen ka hor-imaadka madaxweynayaasha si aan waafaqsaneyn Axdiga qaranka, labada madaxweynana waxey u dhaqmeen si aan ku habooneyn madaxtinimadooda. Waa markii sedexaad, laga soo bilaabo 2000, oo dib-u-heshiin lagu soo dhisayo dawladda qaranka Somaliyeed. Waxaa la sameeyay baarlamaan la isku karkaray oo tiradiisu gaareyso 550 xubnood iyo xukuumad sal balaaran oo sida muraayadda oo kale la iska wada arkayo. Waa barlamaan sidii lagu soo dhisay la ogyahay, sidii loo xulay la ogyahay, sidii uu udhaqmayna la ogyahay oo wax weyn oo lagu amaano aan la sheegi karin. Haseyeeshee, waa ha’yadda kaliya oo leh astaantii hay’ad qaran oo haddii taas la waayo Somaaliya ku noqoneyso reernimo, kala qeybsanaan iyo mustaqbal mugdi ah oo aan la odorosi karin. Dawladda midnimada qaran ee KMG iyo Baarlamaanka KMG, dhaliil kasta oo ay leeyihiin, ayaga ayaa bilaw u ah jiritaanka dawladda qaran ee Somaaliya. Jiritaankooda ayaa sal u ah xukuumada midnimada qaran ee dhawaan lagu soo dhisay dalka Jabuuti. Waxaa laga quudareynayaa xukumadda cusub iney soo celiso kala dambeynta iyo sharciga iyo iney dhaqan geliso dhameystirka hirgelinta Shareecada Islaamka. Haseyeeshee, waxaa jira cabsi xoog leh iyo welwel ay qabaan waxgaradka intiisa badan. Waxaa isha lagu hayaa, si joogto ahna loo eegayaa calaamadihii wax ku soo fashilmi jireen in dawladu ku socoto iyo iney ka leexatay. Waxaa laga fiirinayaa cuduradii fashilka iyo calaamadihii caafimaadka. Waxaa loo baahanyahay in si joogto ah loola dardaarmo xukumada, in si joogto ah loo xasuusiyo wadda guusha iyo wadiiqada fashilka. Taariikhda waxaa loo xusaa in casharo laga qaato, hadaba bal aan eegno waxyaabihii fashilin jiray dawladihii hore. Waxaa ugu waaweyn waxyaabaha fashilin jiray sideedda qodob ee soo socda:
Ugu dambeytii, waxyaabaha guusha keeni karaa, tawfiiqda Ilaah ka sokow, waa in madaxdu sharciga dhawrto, hay’adaha garsoorka iyo maamulka hantida qaranka dib-loo dhiso, in la hawlgeliyo ciidamada qalabka sida, in la joojiyo qaraaba-kiilka shaqo-siinta, in safaaradaha dib-loo habeeyo, inaan mushaar laga qaadan UNDP iyo in la dhawro haybadda qaranka Somaaliyeed. Sideedaas qodob haddii lagu dhaqaaqo, waxaa sameysmaya dawlad hufan oo kalsoonida dadka hesha. Qodobadaas waxey bilaw u yihiin in loo jeesto qibladda dawladnimada - qibladaas oo ah: sareynta sharciga iyo u hogaansamidda nidaamka qaranka. Muwaadiniinta Somaaliyeed waxey dareemayaan iney usiman yihiin xuquuda iyo waajibaadka, mucaaradka hubeysanna intooda badanna waxey soo raacayaan dawladda ama waxey ka baxayaan taariikhda. RFS _ Muqdisho
|
|